Banaadir iyo Jubaland oo Maanta Lagu Furayo Cayaaraha Maamul Goboleedyada

0
69

Waxaa galabta lagu wadaa in Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ay ka dhacdo ciyaar u dhaxeysa xulalka Gobolka Banaadir iyo Jubbaland, taasi oo ah cayaarta ugu horeysa ee Tartankan.

Tartanka ciyaaraha Dowlad Goboleedyada oo sanadkan ay ka qeyb galayaan xulalka Gobolka Banaadir, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa waxaa la qorsheeyay inuu socdo 8-da ilaa 22-ka bishan December.

Labadan xul ee galabta lagu Daah furayo Tartanka ayaa waxa ay saacadihii la soo dhaafay sameeyeen diyaar garowgoodii ugu dambeeyay ee ay ugu diyaar garoobayaan Tartanka CIyaaraha Maamul Goboleedyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo xalay kulan la qaatay Ciyaartooyda ku ciyaareysa magaca Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciyaartooyda looga baahan iney soo bandhigaan Ciyaar wanaag, wuxuuna kula dardaarmay iney gobolka Banaadir guulo u soo hooyaan.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhamaan cayaartoydka Tartankan ka qeyb galeysa ka dalbatay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag, ay ka heli karaan Daawadayaasha.