Shirweynaha “Somali Partnership Forum” oo Maalintii Labaad ka socda Magalada Muqdisho

0
38

Waxaa maalintii labaad ka socoanaya magaalada Muqdisho shirweynaha “Somali Partnership Forum”, waxaana shirka wajigiisa labaad ee maanta diirada lagu saarayaaa, Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bani’aadanimada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa uu sheegay inay horumar ka sameeyeen arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday inay dowladdiisa xoogga saari doonto hirgelinta Federaalka, iyo sidii doorasho qabsoonta sanadka 2020.

Madaxweynaha ayaa uu ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka.