Ciidanka Dowlada oo Kaashanaaya Ciidamada Amisom oo Alshabab Kala Wareegey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose

0
71

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ayaa lagu waramayaa howlgal qorsheysan kula wareegeen saldhigo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen deegaanka Abiikaroow ugu danbeyntii u suurta gashay in ay la wareegaan.

Howlgalka Al-shabaab looga saaray deegaaanka Abiikaroow ayaa waxaa fuliyay ciidamada Ururka 26aad ee guutada Saddexaad ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Talyaha Ururka 26aad ee guutada Sadexaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed G/sare Xassan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa kala wareegeen Al-shabab deegaanno hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.