Xildhibaanada Aqalka Sare oo Maanta Ansixiyey Sharciga Isgaarsiinta Dalka

0
45

Xildhibaanada Aqalka sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaa soo horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa Sabtidii horgeeyay Aqalka sare Sharciga Isgaarsiinta dalka, waxaana labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka doodayeen sharciga.

Waxaa fadhigii maanta soo xaadiray 40 mudane kuwaa oo 39 ay ogolaadeen sharcigan ay soo diyaarisay wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay ansax.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ansixinaya sharcigan, sii uu dhaqan gal u noqdo.