Dowlada Kenya oo Sheegtey In Xadkeeda Ay Kasoo Talaabeen Dagaalyahano Ka Tirsan Alshabab

0
132

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha dalkeeda u tallaabeen dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Booliska dalka Kenya ayaa ku waramay in ilaa 30 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo si aad ah u hubaysan ay ka tallaabeen xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Laamaha amniga dalka Kenya ayaa digniin u diray goobaha ay dadweynaha ku kulmaan oo ay ka mid yihiin, kaniisadaha,waxaana ay sheegeen in dagaalyahanadan ka tirsan Al-shababaab oo ku hubaysan hubka culus iyo midka fudud in ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan maalmaha Ciida.

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay bilaabeen hawlgallo looga baadi goobayo Al-shabaab gudaha dalka Kenya.