Gudoomiye Ku Xigeenada Maamulka Gobolka banaadir oo Maanta Xilalkooda la Wareegey

0
90

Guddoomiye ku-xigeennadda cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegey xilalka, kadib markii shalay la magacaabay.

Sidoo kale waxaa xilkii isku wareejiyay xoghayihii hore ee Maamulka Gobalka Banadir iyo xoghayaha guud ee cusub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalladda Muqdisho Taabid Cabdi Max’ed ayaa xil wareejinta kadib, kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenadii hore iyo kuwa cusub, waxa uuna uga mahadceliyay sida sharafta badan oo ay xilalka ugu kala wareegeen.

Digreeto ka soo baxday shalay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir.

1- Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa loo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir

2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed

3- Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Xaaji Erig.

4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar