Madaxweynaha Dowlada federaalka Somaliya oo Maanta Kulan la Qaadey Boqorka Jordan

0
42

Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay shirka Jaamacada Carabta ugu soo idlaaday magaalada Camaan ayaa kulan gaar ah la yeeshay boqorka Jordan Amiir Cabdalla-ha Labaad.

Boqorka Jordan ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Farmaajo, isagoo balan qaaday in Boqortooyada Haashimiga ah ee Jordan si dhow ula shaqeyneyso dowladda cusub ee Soomaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Jordan iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo cilaaqaad soo jireen ka dhaxeeyo.

Waxaa ay si gaar ah uga wada hadleen joogteynta xiriirka saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in Boqortooyada Jordan ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedka Carbeed, isagoo ka hadlay caqabadaha xilligan ka jira Dunida Carabta, iyo sida lagama maarmaan u tahay in caqabadahaas looga gudbo midnimo.