Faallo;Farmaajo iyo Khayre Ma waanay ogayn in 4.5 ay tahay Muqadas?

3
75

Kadib kolkii maanta uu Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu soo bandhigay Xukuumadiisa cusub ayaa waxaa durba soo baxaya qayla dhaan ka kala imaanayso qaybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed oo iyagu u han weynaa in xukuumadan ay noqon mid shacabku dareemayaan inay ayagu leeyihiin isla markaana ugu shaqayn doonto si cadaaladi ku dheehan tahay taa bedelkeeda ayaa waxay noqotay xukuumada Kheyre mid meel uga dhacday Cadaaladii loo han weynaa isla markaana ay ummaddu ku taageereen halkii rajadii laga qabayna uu geed dheer saarey Ra’isulwasaaraha.

Waxaan inaba shaki ku jirin in Soomaalidu ay ku heshiisay in nidaamka awooda qaybsiga dalka 4.5 uu sii jiro ilaa laga gaarayo 2021 isla markaana Codayn ku dhisan Qof iyo Codkiina ka hana qaadayso dalka,

*Hadaba xukuumada Ra’isilwasaare Khayre xagee ayay ka joogtaa heshiiskan ay ummaddu wada gashay?

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre waxay isku raaceen una soo bandhigeen ummadda Soomaaliyeed Xukuumad ka kooban Ra’isul wasaare xigeen iyo 26 Wasiir,26 Wasiir ku xigeeno iyo 15 Wasiiru Dowlayaal oo kolka laysu geeyo ay yihiin 68 xil oo kala heer ah kolka la waafajiyo nidaamka 4.5 ay beeluhu helayaan min 15 xubnood halka beesha Shanaadna ay helayso 8 xubnood.

*Sidee ayay beeluhu u kala heleen?

Beesha Daarood 14 xubnood
Beesha Hawiye 18 Xubnood
Beesha Direed 15 Xubnood
Beesha Digil iyo Mirifle 12 Xubnood
Beesha Shanaad 9 Xubnood.

Kolka Shaxdan aad eegto waxaa kuu soo baxaya in Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tunteen Sharciga awood qaybsiga ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed.

*Maxaa la gudboon beelaha la Dulmay?

Dabcan waa arin aad ugu badan madaxda Soomaaliyeed in kolkii la aamino misna la dhaariyo hadana inay Dhaarta iyo Amaanaduba ay baal maraan oo ay hawadooda iyo rabitaankooda ay ka raacaan halka Shareecadeenuna ayba qabto in dadkii ku sifooba calaamadahan sedexda ahi yihiin Munaafuqiin aan Aduun iyo aakhiro midna waxba ku lahayn sidaa oo ay tahay ayaa hadana Mas’uuliyiinta Beelaha dhacani la gudboon inay ka hortagaan falkan daandaansiga ku dhisan ee ummaddu ay kula kacayaan Gafanayaashan la aaminay.

*Beesha Shanaad.

Shaki kuma jiro in beelaha Soomaaliyeed oo dhami ay daneynaayaan in Beesha Shanaad sida beelaha kale ee Afarta ah la siiyo xuquuq siman iyadoo la ixtiraamaayo beelaha kasoo jeeda beesha Shanaad oo kala ah:

1-Jareer Weyne.
2-Gibil Cad.
3-Inta magaca lagu hayb sooco.

Balse waxaan inaba ummadda ka dhaadhacaynin fal Munaafuqnimada ku dhisan ee Beelaha Hawiye iyo Daarood ay ku qaataan magaca Beesha Shanaad sidaasina ay ku helaan kuraas xaaraan ah.

*Qawmiyada Digil iyo Mirifle.

Dulmiga maanta taagan ma ahan mid ugub ku ah nidaamka hada jira waxaana horey u soo bandhignay Dulmiga Beesha Shanaad iyo Qawmiyada Digil iyo Mirifle loogu gaystay Hogaanka sare ee dalka.

Riix xarigan http://www.daafeet.net/2017/01/25/faallo-digil-iyo-mirifle-oo-dhumin-doona-la-sinaantii-hawiyedaarood-iyo-dir/

Digil iyo Mirifle sida beelaha kale ee Sedexda ah waxa uu xaq u leeyahay inuu helo tiro la’eg tan ay helaan beelaha kale ee sedexda ah Tiro iyo Taya ahaanba hadii la waayana sida maantaba taagan waxaa mas’uuliyada soo dhicinta xilalka la dhacay u taalaa dhamaan Shacabka ku abtirsada Digil iyo Mirifle si gaar ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

*Gudoomiyaha Baarlaamka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xilkan ah Afhayeenka Baarlamaanka ma ahan mid inta lagula jeclaaday laguugu soo fadhiisyay ee waa xil aad ku heshay awood Qaybsiga 4.5 oo aad golaha fedraalka ugu matesho Qawmiyada Digil iyo Mirifle sidoo kalena waxaad tahay Mas’uulka ugu sareeyo hay’ada Sharci dejinta dalka waxaana sidoo kale xilkaaga ka mid ah in aad eegto xeerarka iyo Sharciyada ay Soomaalidu dhigatay hadba sida hay’adaha kale u maamulaan,Iyadoo taa laga duulaayana waxaa uu xil kaa saaran yahay wax ka qabashada Dulmigan cad ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ay kula kaceen Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre adoo gudanaayo waajibaadka aad u dhaaratay ee ahaa inaad ku dhaqanto shuruucda dalka waa in aan Golahan wasiirada maanta uu soo bandhigay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre aan la horkeeni karin Baarlamaanka ilaa uu soo saxo kuna saleeyo nidaanka 4.5 isla markaana aanay shaqeyn karin Wasiiradan ilaa Baarlamaanka ay ogolaansho ka helaan.

*Madaxweynaha KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dalku waa dal leh nidaam fedraal waxaan ka mid nahay fedraalada dalka ka jira waxaa hubanti ah hadii maamulka dhexe ee Fedraalku uu khalad ku kaco sida hadaba taagan in maamul goboleedku uu xaq u leeyahay inuu Hakiyo amaba uu Joojiyo la macaamilka Dowlada dhexe ilaa khaladkeeda ay saxeyso hadii sixi diidana waxaa hubaal ah in guud ahaan Xiriirkaba uu u jaro.

Iyadoo la adeegsanaayo awooda shacabka waxa uu Madaxweynaha maamul goboleedka KoonfurGalbeed xil ka saaran yahay soo dhicinta xuquuqda Qawmiyada Digil iyo Mirifle meel kasta iyo cidkasta ee ku xadgudubta taasi waa mid ALLE hortii iyo Qiyaamaha lagaa wareysan doono hadba sida aad u gudatay mas’uuliyada aad shacabka u qaaday.

Guntii iyo Gabagabadii Umadyahay “Sinaantaada kii diidaa Sareyntiisa Buri”Talaabadan uu maanta ku dhaqaaqay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre kuna raacay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ma ahan talaabo ku dhacday si Kama’ ah balse waa talaabo ku tala gal ah oo ay Mas’uuliyiintan ugu talagaleen in ummadda ay u afduubaan Beelahooda Hawiye iyo Daarood.

Qalinkii
Abdiaziz ShSalah.

3 COMMENTS

  1. Horta waxaa aad iyo aad uga xumahay dulmiga Soomaalida ay sheegto oo haddana iyada nafteeda gacanta kula jirto, qofka maqaalkaadn qoray waxuu is moogeysiinaayaa in Digil iyo Mirifle laftooda dulmiga qeyb weyn ay uga jiraan dulmiga ka socda wadanka ama iyaga gudahooda ha ahaadeen ama tan guud oo ay dadka laf weynta isku sheegay wadanka ay ku haayaan, tani waa oori kacsi ee ma aha mid qoraaga uu ku abaaraayo dulmiga wadanka ka jira iyo mida lagu haayo 0.5, markuu culeyska ku yimid Digil inaad qeylo dhaan la soo istaagto waa laga fiican, adigaa munaafaq nimada dhinaca aaga jirta soomaha “Waxaad ku sifoobeysaa naagtii ruwaayada laga jilaayey ee inta gabadheeda oo la xoogaayey u hiilisay oo markii iyada lagu wareegayna tiri ragu waxaas lama yeelo”. Hawiyaha iyo Daaroodka aad sheegeysid adigaaba ka daran soomaha oo umad badan oo masaakiin ah xaqooda madaxa uga fadhiya, ismana ogid ama waad og tahayow waad is moogeysiineysaa. Cadaaladda Rabi agtiisa ayey taalaa ee xaqa Allaha na tuso.

  2. Abdi asiis waxaa tahay walaal aan jeclahay waxaan rabaa in aan kuu sheego Dulmi in aan lagu zuulin karin Dulmi kale oo la sameeyo,aniga waxaan ahay haweeney u dhalatey beesha Duube Dgil wax xuquuq ah oo aan dawladaan farmaajo aan ku leeyahay majiraan,hadana waxaa su,aal iga ah kuwee baa dulmi badan labadaan guroob oo aad soo sheegtey oo kala Farmajo iyo Kheyre oo isku bah ah iyo Jawarey,shariif xasan,warsame,buuwe,shariif muhdiin,cusmaan jiis,nuur shakoy iwl.aniga waxaan qabaa waxaa dumi badan Jawaarey iyo kooxdiisa,ee taarged hala dhigo sidii Digilmirifle ay u arki lahaayeen khaa,imiinta dal iyo dadba lumiyey.mhd

    • Walaalayaal waxaan rabaa inaan marka hore kala fahmo, Digil qofka ah ee gabadha ah ma jareer aad tahay mise jileec, haddii jareer aad tahid xaquuqdaada dadka jileecda ah ee idinku kor habsaday oo aadan awoodin xataa idinkoo tiro iyo tayaba ka badan inaad ka dhacsataan xaquuqda aad ku leedihiin, haddii aad jileec tahayna haddee dadkaadaa kuu qaatayee ee cataawga iska dhaaf, anaga jawaari iyo Shariif Xasan ha noo kala saarsaarin, mid kale inaad iskaa cadeeyaan rabaa nin jareer ah oo Shiidlo ah ayaan ahay dulmiga leydin dulminooyo isagoo dadban ayaa nala dulmiyaa oo garuunka waa naloo wada heystaa ee ma leyska dhiciyaa dadkaan mise gumeysiga ay wadaan ayaan isaga jirnaa. Dulmigaanna ma dhamaanaayo oo xataa kuwii diinta sheeganaayey ayaa dulmi fala soomaha.

Comments are closed.