War Deg Deg ah;Wasiiru Dowle Xil maanta loo magacaabay iska Casilay

0
40

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku waramay in Xilkiisa iska casilay Wasiiru dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska
Waa Xubintii ugu horeysay ee maanta ku dhawaaqa inuu is casilay Saacado kadib markii uu xilkaasi uu R/wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku dhawaaqay Golihiisa cusub ee Wasaaradaha.
Wasiiru dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir ayaa ka dhawaajiyey inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay sidaas darteedna uu go’aan ku gaaray inuu xilkaas iska casilo.
Dhanka kale Qaar kamid ah Odayaasha Beelaha ayaa dhankooda cabasho ka muujiyay golahan cusub iyagoo Ra’isulwasaare Kheyre ku eedeeyay inuu kaga baxay balamo ay la galeen oo ku aadanaa Kuraasta iyo Xubnaha loo magacaabayo beelahooda.