Beelaha Gare iyo BiyoMaal oo bilaabay is gaadgaad

0
149

Wararka ka imaanaya deegaanka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in deegaanka Gaaywaroow oo hoos taga degmada lagu dilay ruux ka mid ah dadka degan deegaanka,Dilkani oo lasheegay inay geysteen maleeshiyo ku hubaysnaa qoryaha AK47 kana yimid Tuulada Jeeroow kadibna Wabiga kasoo talaabay ayaa waxay si toos ah u beegsadeen guri marxuum Xasan Maxamed Shiikh kadibna kasoo kaxaysteen isla markaana ku dileen jiinka wabiga oo kala qaybiya labada tuulo ee Gaaywaroow iyo Jeeroow.

Wararka ay helayso Daafeet.com ayaa tibaaxaya in dilkani ahaa mid aana qabiil salka ku haya una dhexeeyo beelaha BiyoMaal iyo Gare iyadoo Maleeshiyada beesha Gare ay aargudasho ka ahayd Ruux kasoo jeeda beeshooda oo Maleeshiyo kasoo jeedo beesha BiyoMaal ay ku dileen tuulada Jeeroow.

Falkan aargudashada ku dhisan ee ka dhacay Gaaywaroow iyo Jeeroow ayaa imaanaya xili inta badan Maleeshiyada Shabaab ay ka ruqaansadeen deegaanadaas kadib kolkii ay ka war heleen Duulaan dhanka Dowlada Fedraalka oo kaashaneysa ciidamada AMISOM uu deegaanku ku soo fool leeyahay.

Si kasta oo loo dhigaba dilalka ku dhisan aanooyinka Qabiilka ayaa waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee ay dadku ku hoobtaan dad aan waxba galabsan.