Madaxweynihii Waqtigiisa Dhamaadey Xasan Sheekh oo Maanta Ka Hadley Qaraxyada Ay Alshabaab Ka Maleegto Gudaha Magalada Muqdsiho

0
35

Madaxweynihii waqtigiisa dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay waxa ay Ururka Al Shabaab bartilmaameyd gooni ihi uga dhigteen Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho, ayaa xudun u noqotay weerarada iyo qaraxyada joogtada ah oo ay Shabaabku ka gaysanayan dalka, marka loo eeggo magaalooyinka kale ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Somaliya, tusaale ahaan dadka ajaaniibta ah ee imaanaya dalka oo dhan meelkasta kama tagayaan, laakiin Caasimadda ayay ka soo wada deggaan. Aragtida, muuqaalka iyo ra’yiga ay Caasimadda ka qaataan, ayaana Somaliya oo dhan lagu cabirayaa. Dabcan kuwii magaalooyinkeena kale tagana, waa qurxan yihiin, waana fiican yihiin, waana mudan yihiin.”

Markale, ayuu yiri “Waa sababtaas, sababta cadowga umaddani ay leedahay ee UGUS, ay Magaaladan Muqdisho hadafka uga dhigteen, ay u beegsanayan in ay wejiga ka xumeeyaan, oo wejiga Somaliya ay xumeeyaan.”