Gudoomiye Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban Oo Shegey Iney Soo Diyaarinayaan Ergooyinkii Dooran Lahaa Xildhibanada

0
48

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dalka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan Ergooyinkii Soo xulilahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Gudoomiye Guddiga Hirgalinta doorashooyinka dadban ayaa sheegay in ay guddigu ku jiraan qaban qaabadii ugu dambeeysay ee soo xulista Ergooyinka Soo dooranaya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Abukaato Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sidoo kale Meesha ka saaray wararka sheegaya in xildhibaanada Baarlamaanka aysan soo dooran doonin 51 xubnood , waxa uuna sheegay in 51 xubnood ay soo dooran doonaan Xildhibaan kaste xildhibaanada Aqalka sare.

Waxa uu sheegay in qaban qaabada ay sidoo kale ka socoto qaar ka mid ah gobolada dalka.