GUdoomiyaha Gobolka Banaadir oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Dhawaan Kasoo Yeerey Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

0
46

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kaararka Aqoonsiga aysan sharci-darro ahayn, isla markaana ay qayb ka yihiin hannaanka dowladnimada, Wuxuuna kusii daray hadalka inaysan jirin cid uu sharcigu meel ugu xiran yahay kaligeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale ayaa intaa ku daray in kaararka aqoonsiga ay yihiin shaqo u taalla Dowladda Hoose, tasoo uu ku tilmaamay in baahi weyn loo qabo.

Si kasataba ha ahaatee hadalka ayaa imaanaya xilli Hanti-dhawrka guud ee Qaranka, Nuur Faarax Jimcaale uu shalay sharci-darro ku Tilmaamay kaararka Aqoonsiga, isagoo xusay dadka Soomaaliyeed aanay wada awoodin inay bixiyaan lacagta kaararka lagu goosanayo, isagoo xusay inuu horay amar uga soo saaray in la joojiyo xilligii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ahaa Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan].