Qarax aad u Weyn oo Maanta Ka Dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan cade

0
46

Qarax aad u weyn ayaa Goor-dhaw ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan baar ku dhaw jidka isku xirta irridaha Garoonka iyo Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku geeryoodeen in ka badan 12 ruux oo isugu jira Ciidammo iyo Dad Shacab ah tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen, Qaraxan ayaa maanta ka dhacay Agargaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Albaabbada Xalane iyo Garoonka laga kala galo.

Wararka ayaa sheegaya in Qaran dadka ku dhintay ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana ka dambeeyay qaraxyadan Al-shabaab, sida ay ku daabaceen barahooda.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay Qaraxyadan ku dishay tiro badan oo ciidanka AMISOM ka tirsan, iyagoo sheegay in qaraxyadu laba ahaayeen, ayna si gaar ah ula eeganayeen xerada ciidamada AMISOM ee Xalane.

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin Qaraxyadaan iyo Khasaaraha ka dhashay, iyadoo Tani aysan ahayn markii ugu Horreysay oo ay Al-shbaaab Qaraxyo la beegsato Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM.