Dhegeyso Koox Ku Been Abuuratey Maamulka Degmada Wanleweyn oo Hadalkooda Beenoobey

0
32

Maamulka Shariif Xasan ayaa maalintii shaley la wareegey rashinkii Ay dowlada turkiga ugu tala gashey umada somaliyeed bishii barakeysneyd ee ramadaan.

[slideshow_deploy id=’26715′]

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Shariif Xasan

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Shariif Xasan Mobil

Talaabada maamulka Koonfur Galbeed loogu wareejiyey rashinka maalinimadii shaley oo taariikhduna aheyd 19 July 2016 ayaa waxay imaaneyseysaa ayadoo bishii tagtey ee juun taariiqduna aheyd jun 17  in qaar ka mid ah wax magaratada kasoo jeeda degmada wanleweyn ay warbixin been abuur ah siiyeen qaar ka mid ah websidyada Somaliya ayagoo sheegaya in maamulka degmada wanleweyn uu dhacay raashinkii ay dowlada turkiga ugu deeqdey umada somaliyeed gaar ahaan dadka ku nool degmada wanleweyn ayadoo taasina aheyd been abuur aan waxba ka jirin maadaama raashinka ay sheegeen kooxdaasi iney dheceen maamulka degmada wanleweyn uuba gacanta maamulka ay ka tirsan yihiin ee Koonfur Galbeed uu soo galey maalinimadii shaley.

Halkan ka aqriso been abuurkii ay horey u qoreen.

Talaabada kooxdan wax magaratada ah ay qaadeen ma aha markii ugu horeysey oo ay ku cabirayaan danahooda waalan oo ay ku doonayaan sed bursi kooxdan ayaa sidoo kale bishii tagtey ayagoo hami siyaasadeed iyo ribitaan beeleed wata ay meel uga dheceen magaca iyo mansabka malaaqa guud ee beelaha shanta caleemood Malaaq Siidow Madow.

Kooxdaan damacu waalayo ayaa in badan looga digey iney ka haraan ku been abuurashada  masuuliyiinta iyo dadka wax galka ah ee beesha.