Ganacsato Somaliyeed oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Diley Dalka Koonfur Afrika

0
57

Toddobadii maalmood ee lasoo dhaafay ugu yaraan toddoba muwaadiniin Soomaaliyeed ah, ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Deegaanno hoos-taga Magaalooyinka Cape-town & Port Elizabeth oo ka kala Tirsan Gobollada Eastern-cape iyo Western-cape ee Dalka Koonfur Afrika.

Saddex ka mid ah Muwaaddiniintan Soomaaliyeed ee la khaarijiyay ayaa lagu dilay Goobo Ganacsi oo kala duwan, kuwaasoo ku yaalla Dulleedka Magaalada Port Elizabeth, xilli ay burcad-hubeysani ay ugu dhaceen dukaamadooda Gancsi, iyadoo markii burcadu ay dilalka geysteen kaddib dhacay goobaha ganacsiga oo marxuumintaan ay ku kala sugnaayeen.

Sidoo kale, labo ka mid ah muwaaddiniintaan Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay dalka Koonfur Afrika Toddobadii Maalmood ee lasoo dhaafay, ayaa lagu dilay Dukaan Ganacsi oo ay ka wada-shaqeynayeen oo deegaanka isku raranka ah ee Khayelitsha ku yaala oo ay dagan-yihiin Dadka Madowga ah ee ku yaalla Cape-town, waxaana labadan marxuum lagu kala magacaabi jiray, C/llaahi Maxamuud Muuddeey iyo Xasan Jimcaale Hadaafoow.

Odayaasha iyo ganacsatada magaalada Cape-town ayaa aad ugu deyriyay dilalka Soomaalida loogu geeysto dalka Koonfur Afrika, iyagoo xusay in loo baahan yahay badbaado iyo samata-bixin deg-deg ah oo loo sameeyo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dilayo maalin walba Dalka Koonfur Afrika.