Howlgalka Amisom ee Dalka Somaliya oo Mado Kordhin Loo Sameeyey

0
36

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa waxay mar kale kordhiyeen muddada hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan AMISOM, iyagoo garsiiyay xilliga hawlgalka illaa 31-ka May 2017.

Qaraar uu Golaha Amaanka ee QM Meel-armaiyay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in tirada AMISOM laga sare mariyo 22,126-askari, taasoo ay sheegeen inay tahay mid lgu doonayo in lagu dar-dar-geliyo hawlgalka iyo geedi-socodka siyaasadda Somalia.

Sidoo kale, Qaraarkan ayaa dhigaya in ciidanka AMISOM laga doonayo inay Ciidamada Somalia ku wareejiyaan qaybo ka mid ah hawlaha ay hayaan si ay Ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan gudaha waajibaadyadooda ku aaddan amniga.

Taliska AMISOM, ayaa laga codsaday inuu u dhabbo-galo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeeya shacabka ku nool goobaha Al-shabaab laga saaray iyo Ciidamada AMISOM, si loo xoojiyo Wada-shaqeynta Labada dhinac.

Waxay kaloo Goluhu kula taliyay AMISOM inay furaan waddooyinka xiran ee muhiimka u ah in shacabka deegaannada la xoreeyay loo gaarsiiyo sahayda iyo gargaarka ay u baahan yihiin, ciidamada AMISOM ee ku suganna loo gaarsiiyo qalabka ay u baahan yihiin.