Xaflada Kowda Luulyo oo Xaley Looga Dabaal Degey Magalada Muqdisho

0
40

Munaasabad lagu Xusayay 56-guuradii kasoo Wareegatay markii gobollada Koofgureed ee Somalia ay Xorriyadda ka qaateen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay Soomaaliya Midowday, ayaa Xalay lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka Tisran Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Xuskaan, ayaa waxaa hadallo ka jeediyay, Madaxweyne, Xasan Sheekh, RW Sharma’arke, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale oo munaasabadda goobjoog ka ahaa.

Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xorriyadda iyo midowgii Soomaaliya, wuxuuna xusay inay tahay in laga wada-shaqeeyo ilaalinta minidmada Soomaaliya iyo xil weyn la iska saaro sidii dalka horumarkiisa looga shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in Dowladdu ay ka shaqeyneyso ilaalinta midnimada Ummada Soomaaliyeed shacabkana looga baahan yahay in Dowladda Federaalka ku tagaeeraan tallaabooyinkaas.

Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana aysan hilmaamin dhibkii loosoo maray Xorriyadda maanta la haysto.

RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay dhmaantood uga shaqeeyaan xoojinta midnimada.