Dhegeyso:Wakiilka Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed oo Cambaareeyey Xasuuqii Ka Dhacay Degmada Afgooye

0
38

iyadoo dhawaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ay ka dhaceen Dilal qorsheyn isla markaana looga geystey in ka badan 4 ruun qar kalana lagu dhaawacay ayaa waxaa si adag u cambaareeyey Wakiilka Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed isla markaana ah Afhayeenka Gollaha Aqoonahnada Koonfurta Soomaaliya Prof. Fowzi Cabdi Nuur isagoona xusey in Guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose uu ka socoda Xasuuq lagu Tartiib tartiib ah.

Prof. Fowzi Cabdi Nuur Waxa uu sheegey in Dadka dhibaada Ku Haayo Gobolka Shabellaha hoose aysan U dhalin Degaanadaas isla markaan tan iyo markii ay burburtey Dowladahii dhexe ee Soomaliiya ay ka wadeen Gobolkaas Dhibaato hor leh oo isugu jirta Dilal iyo kufsi, isla markaana iminka ay xiran yihiin dareeska Dowlada Federalka Soomaaliya waa sida hadalka u dhige e.

Sidoo kale Aqoonyahan Prof. Fowz Cabdi Nuur, waxa uu eedayey Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxda Dowlada Federalka Soomaliya uu tilmaamey in ilaa iyo hadda aysan hadlin Dhibaatadda iyo dilalkii dhawan ka dhacey Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Hadaladiisana waxaa ka mid ahaa

Wakiilka Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed Fowzi-Cabdunuur

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Wakiilka Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed Fowzi-Cabdunuur Mobil