War Deg Deg Ah Hottel Naasa Hablood One oo Qarax Lala Beexsadey

0
39

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaw waxaa lala beegsaday Hoteel Naasa Hablood One oo ku yaalla Isgoyska lambar Afar ee Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia.

Weerarka ayaa loo Adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo Qaraxa kaddibna la maqlay rasaas aad u xooggan, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Gudaha Hoteelka, ayaa Waxaa galay Xoogag ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo Rasaas culus laga Maqlayo gudaha iyo hareeraha Hotel Naasa Hablood One, inkastoo aysan Hay’adaha Amniga Somalia ka hadlin weli weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Hotel Naasa Hablood, ayaan horay ula kulmin weerarrada Al-shabaab, Iyadoo Weerarkaan uu kusoo beegmayo, xilli 01-dii Bishaan Juun – ay Al-shabaab Weerar isugu Qaraxyo iyo kuwo Toos ah ay la beegsatay Hoteelka Ambassador oo aan wax badan ka fogeyn Hoteelka maanta la weeraray.