Ururka u Dooda Xuquuqda Aadanaha oo Ka Digey Gabdhaha Somaliyeed ee Loo Shaqo Geynayo Dalka Sacuudiga

0
36

Hey’adda Xuquuqda Adanaha ee Human Right watch ayaa ka digtay In Si Xun Loola Dhaqmo Adeegtada Soomaalida Ee Loo Dirayo dalka Sacuudiga.

Human Right watch ayaa warbixintan ku sheegtay in 10kii sano ee la soo dhaafay ay diwaan gelisay tacadiyo fara badan oo Sacuudiga iyo dalalka gacanka loogu geystay Adeegtooyin ajaanibta ah.

Dhibaatooyinka ay hey’adda ku sheegtay in adeegtooyinka ay la kulmaan waxaa ka mid ah: In guryaha si xoog ah loogu heysto, in aan la siin Mishaar dhameystiran iyo dhibaatooyin jir iyo xitaa in la fara xumeeyo.

Arrintan ayaa imaneysa xilii uu heshiis dhawaan dhex marey Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya kaas oo dhigaya in dalkaas loo diro 600 ilaa iyo ­1000 adeegto ah inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadaan, Heshiiskan oo noqonaaya kii ugu horeeyey oo ay dowlad somaliyeed haweenkeeda ugu dirto dal carbeed si ay halkaasi adeegto uga noqdaan.