Itoobiya oo Ciidamadii ugu Badneyd Geysey Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

0
59

Wararka ka imaanaya Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dolwadda Itoobiya ay Degaankaasi geysay Ciidamadii ugu badnaa oo wata Dabaabaad,waxaana ay Fariisimo ka sameysteen Dhinacyada Magaalada Halgan.

Ciidamadaan oo ka soo baxay Magaalada Baledweyne ayaa lagu Xoojiyay Ciidan kale oo Itoobiyaan ah islamarkaana ku sugnaa Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo dhawaan Dagaal Culus halkaa kula galay Al-shabaab.

Inkastoo aan Sababta la ogeyn ayaa Dadka Halgan waxaa ay u fasirteen Ciidamada yimid halgan kuwo lagu xoojinayo kuwii horay u soo joogay si ay iskaga Difaacaan Weeraro kale oo Shabaab uga yimaada.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa kadib kolkii ciidamada alshabaab ay dhawaan weerar kusoo qaadeen deegaanka halgan halkaaso oo ay labada dhinacba ka sheegteen guulo.