Daawo Dowlada Jabuuti oo Maanta Deeq Raashin Ah Gaarsiisey Dadku Ku Barakacay Fatahaadii Ka Dhacdey Baledweyne

0
28

Dowlada jabuuti ayaa maanta waxaa ay deeqo isugu jira Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid, gaarsiisey Dadkii Dhawaan ku Barakacay Fatahaaddii ku Dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaybinta Raashinkaan, Waxaa Goob-joog ka ahaa Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble, Wasiirro ka socday Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan.

Safiirka Jabuuti, ayaa sheegay inay Deeqdan si gaar ah uga timid marwada madaxweynaha Jabuuti, Khadra Maxamuud Xeyd oo sidda uu hadalka u dhigay markii ay aragtay xaaladda Beledweyne garatay in dadka barakacay ugu deeqdo raashinkan.