Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Gobolka Banaadir oo Xilkii Iska Casiley

0
35

Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, wuxuuna ku sheegay hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay, inaysan jirin ruux ku khasabtay in uu xilkaan iska casilo, aysan jirin cid uu dacwo ka yahay.

Jen. Cali Gaab oo horay u ahaa taliyaha ciidamada amniga waddooyinka Muqdisho ee Taraafikada, ayaa waxaa sannadkii hore loo dhiibay xilka taliyaha booliiska gobolka Banaadir.

Taliyihii Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inuu go’aansaday in uu xilka ka tago, wuxuuna intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu ku gacan-siiyo laamaha amniga sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Caasimadda.

Jen. Cali Gaab ma uusan faahfaahin sababta dhabta ah ee keentay inuu iska casilo, xilka, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli muddo kooban ay ka harsan tahay xilli hawleedka Xukuumadda Somalia.