Maddaxweynaha Dalka Kenya oo Ku Hanjabey In Ciidamadiisa uu Somaliya kala Bixi Doono Hadaan dhaqalaha Loo Kordhin

0
39

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galay kulan ayaa sheegay in dowladda kenya ay ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya, sidaas darteedna ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya marar qaar aysan helin xuquuqda ay helaan ciidanka Midowga Afrika ee ka socda dalalka Afrikan ee ku sugan dalka Somaaliya.

Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidanka dowladda Kenya ay ka walaacsan yihiin mushaar dhimistii lagu sameeyey ciidanka Midowga Afrika tasoo aheyd 20% laga jaray lacagtii la siin jiray ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Xisbiga mucaaradka ah dalka Kenya iyo sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiinta dalka Kenya ayaa dhaliilsan joogitaanka ciidanka Kenya gudaha dalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeerey madaxweynaha dalka kenya ayaa dadka qaarkiis waxaa ay ku fasireen in uu yahay hadal afka uun laga yiri, balse ay doonanyaan in lacago kale kaga gurtaan beesha caalamka ciidanka kenya ka jooga dalka somaliya ayaa lagu qiyaasaa 3637 kun oo askari.