Al-shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay go’aanka Xukuumadda Kenya ku xirayso Xerada Qoxootiga Dhadhaab, halkaasoo ay sheegtay in laga soo Abaabulo Weerarrada laga geysto Kenya, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in Xeryaha Dhadhaab aysan ka abaabulin weerarrada ay ka geysato Kenya.
Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raagge oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta Al-shabaab, ayaa sheegay inay Kenya dhaqaale badan ka hesho Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab sida; Xagar-dheer, IFO iyo dhagaxleey, ayna caalamka ku baryaan inay hayaan Qoxooti badan.
Sheekh Cali Dheere ayaa beeniyay in weeraro ay ka Abaabulaan xeryaha Qoxootiga ee dalka Kenya, isagoo xusay in Kenya mar-marsiiyo ka dhiganeyso dhibaatooyinka ay u geysanayso shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Afhayeenku wuxuu sheegay inay soo Dhaweynayaan hadii Qoxootiga ku nool xeryahaas dib loogu soo celiso dalkooda, isagoo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin bulsho qani ah oo leh Waddan barwaaqo ah.