Sheekh Maxamed Idiris oo Maanta Maxkamad Soconeysa Laba Maalmood Uga Bilaaban Doonta Dalka Mareykanka

1
20

Sheekh Maxamed Idiris oo ka tirsan culumada Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka ayaa waxaa u bilaabaysa maxkamadii u dambeysay, iyadoo lagu wado inay socoto laba maalmood oo xiriir ah.

Sheekh Idiris oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku rajo-weyn yahay in ALLE uu uga hiillin doono Maxkaamdda, wax wal-wal ahna uusan qabin, waxaana uu Sheekhu sheegay in loo haysto muslimnimadiisa, balse aanay jirin wax dambi ah oo uu galay.

Dacwad-oogayaal Mareykan ah ayaa waaxay Sheekh Maxamed Idiris ku eedeeyeen inuu taageero kooxo Argagaxiso ah, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo la soo taago Sheekha Maxkamad.

Ugu dambeyn, Sheekha Maxamed Idiris ayaa wuxuu degen magaalada Columbus, Ohio ee waddanka Mareykanka, isagoo aan ahayn Sheekhii ugu horreeyay oo lagu soo eedeeyay in uu taago kooxaha loogu yeero Argagaxisada.

1 COMMENT

Comments are closed.