Ganacsade lagu dilay Dharkeenleey.

0
26

dil

 

 

 

 

 

Waxaa saaka Xaafada Ceeldheere degmada Dharkeenleey gobolka Banaadir lagu dilay nin ganacsade ka ahaa xaafadaas oo lagu magacaabi jiray Aadan Afgooye xili uu goob ganacsi uu ku lahaa xaafada uu furaayay saaka aroortii hore.
Dilka Aadan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka danbeeyeen labo nin oo Bistoolado ku hubaysnaa oo loo maleynaayo inay ka tirsanaayaa ciidanka Amniga DF Soomaaliya ee ka howlgala degmada Dharkeenleey kadibna baxsaday.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Aadan Afgooye uu maalmo ka hor ka istaagay Masaajidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey, wuxuuna halkaasi ka sheegay in Xaafada Ceeldheere ee uu ku ganacsado ay dilalka ku soo badanayaan maamulka degmadana laga doonaayo inuu keeno ciidamo dheeri ah si Amniga loo sugo.
Dadka waxa ay hadal hayaan in sababta loo beegsaday Aadan Afgooye ay tahay hadalkii uu Masaajidka uu ka sheegay.
Ciidamada Dowladda oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan Baaritaano ilaa iyo hada lama soo sheegin cid loo qabtay dilka ganacsade Aadan Afgooye.
Degmada Dharkeenley dhowr mar waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubaysan oo Gaadiid iyo Bistoolado wata.