Reysul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Ka Tacsiyeeyey Dhalinyaradii Ku Dhamaatey Bada

0
24

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo ay dhalinyaro somaliyeed si micno dara ah ugu baaba,aan badaha meditareniyamka dhalinyaradan ayaa tahriibka xalka bidey ayadoo taasi ay keentey mustaqbal la,aanta dalka ka jirta, halka madaxdii dalka ay ka badin la yihiin iney dantooda keliya ka hormariyaan danta guud ee dalka iyo sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa shaqooyin iyo waxbarasho si dalkooda ay u joogaan.