Odayaasha Beelaha Hawiye oo Maanta Xamar Ku Qabtey Kulan Looga Hadlaayo Masiirka Gobolka Banaadir

0
87

Odayaasha-dhaqanka Beelaha Hawiye oo Maanta kulan ay ku yeesheen magalada muqdisho waxaa ay kaga hadlayeen Aaya-ka-talinta iyo Mustaqbalka caasimada Somalia ee Muqdisho, iyagoo sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo u gaar ah beelaha Hawiye.

Guddoomiyaha odayaasha beelaha hawiye, Maxamed Xassan Xaad oo furay shirka ayaa ku dheeraaday ka hadlida qorshayaal socda oo ku aaddan in aayaha caasimadda ay qayb ka dhexeyso dhamaan beelaha Soomaaliyeed lagana gudbo habka Federalka ah ee Soomaalidu ay qaadatay.

Xaad oo sii hadlay ayaa yiri. “Muqdisho inay caasimaddii Somalia tahay iyo in beelo gaar ah ay dagaan laba eray ayay kala yihiin. Looma diidana inay beelaha kale ku noolaadaan, balse ciddii reer u martida waxba lagama weydiiyo cuntada loo karinayo.”

Sidoo kale Afhayeenka golaha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo isagana ka hadlay kulanka ayaa yiri. “Inta aan ahayn beelaha dagga gobalkan Marti ayay ka yihiin ee ha ogaadeen. Aayo-ka-talintiisa gobalka Banaadir waxay u gaar tahay beelaha deegaan ahaanta u leh.”

Axmed Diiriye ayaa intaas ku daray in xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu dalku lahaa caasimadda koowaad, midda labaad, midda saddexaad & tan afaraad, dhamaan caasimadihii kale marka laga reebo Muqdisho beelihii degenaa ayaa u sameysay maamullo u gaar ah, inta kalena marti ayay ka yihiin, sidaas darteed – Muqdisho in dadka dega looga dambeeyo weeye, cid kalena aysan fara-gelin.

Si kastaba arintu ha ahaatee dulmiga iyo qalalasaha ka jira dalka ayaa intiisa badan waxaa uu salka ku hayaa kooxo usoo cadeystey iney mar walba wax aysan laheyn booba isla markaana diidan in dalka uu helo nidaam iyo kala dambeyn si uu dalka u noqdo mid la tartama dalaka deriska la ah.

Boobkan iyo dhul aysan laheyn iney maalin walba ka hadlaan ma aha waxa hada soo bilowdey ee in mudo ahba buuqan waxaa uu ka taagnaa gobolka shabeelaha hoose oo sida aad ogtihiin waxa dagaalada iyo isbaarooyinka aan dhamaadka laheyn ku haya iney yihiin dadka ay matalataan odayaasha maanta xamar ku shirey ee usoo xeed xeetey iney gobolka banaadir oo la ogyahay cida is keleh iney sheegtaan.