Daawo Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed oo Maanta Deeq Gaarsiiyey Isbitaalka Magalada Baydhaba

0
55

SSDC-290x239

 

 

Waxa Maanta Isbitaalka Weyn Ee Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay la gaarsiyey Joodarooyin, kuwaasoo ka timid Gollaha Southwest Diaspora  Congress ” ayadoo deeqdaasi uu gaarsiiyey cisbitaalka xubno uu hor kacaayey wakiilka golaha qurbo joogta koonfur galbeed Prof. Fowzi Cabdinuur.

Wakiilka golaha qurba joogta koonfur galbeed Prof. Fowzi Cabdinuur ayaa Sheegey in joodariyashan ay soo dhiibeen Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka dib markii ay arkeen Baahida ka jirta Isbitaalka iyo Dhaawacyadda yaalla.

Agaasimaha Guud ee isbitaalka Baydhabo C/fataax Ibrahim Haashi, ayaa u mahad celiyey Jaaliyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxa uu bogaadiyey in mar weliba ay is garab taagaan Bulshada isagoo isla markiiba qalabkan si toos ah ugu wareejiyey Qeybta Haweenka iyo Dhalaanka (Maternity)
oo baahi weyn u qabey.

baydhabo2

baydhabo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

baydhab01