Kulankii Madaxweynaha iyo Duubaba Hiiraan oo Ku Dhamaadey Guuldaro

0
35

beledweyneWaxaa mar kale guul-darro kusoo dhamaaday kulan ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo HOL la hadlayay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia ay kawada hadleen saddex qodobo oo kala ah; dib-u-hishiisiin, in gobolka Hiiraan la siiyo xaqa Toddobadii Gobol kale ee Soomaaliya ay heleen iyo in Soomaalidu wax ku Qaybsato siddeedii gobol ee Soomaaliya iyo qodobka saddexaad oo ahaa in gogosha shirka dhismaha maamulka labada gobol loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa intaas ku darray in Madaxweyne Xasan uusan wax jawaab ka siin dhamaan qodobadii ay kala hadleen.

Kulanka oo ahaa mid adag ayaa markii uu soo dhamaaday, wuxuu Ugaas Xasan bartamaha Magaalada Beledweyne kula hadlay boqollaal shacab ah oo isugu soo baxay, kuwaas oo si weyn Diirrada u saarayay Waxa kasoo bixin doona Kulanka Madaxweynaha iyo Duubabka dhaqanka.

Kulankan, ayaa noqonaya kii labaad oo dhex-mara Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Max’uud iyo Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo wax is-af-garad ah aan laga gaarin.