Aqriso:-Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Somalia oo Cambaareeyey Hadalkii Kasoo Yeerey Maamulka Somaliland

0
21

south

Warsaxaafadeed:                                       Ref: SSC/15-0012

Taariikh:   25/1/2016 Goobta:  Baidoa, Somalia

Magaca Ilaahey oo Awoodiisaku Abuurey Koonka, kuna Manneystey Raxmadiisa

Ujeedo:Warsaxaafadeed ku saabsan Cambaareyn Dowlada Maamulka Soomali land

Anigoo  ku hadlaayo magaca Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed, Somalia,  waxaa  halkaan canbaareyn ugu soo jeedinaynaa Maamulka   Soomaali and , kaas oo muddo 7 cisho u qabtey shacabka deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfurt Galbeed Soomaaliya iyo kuwa kelba ee ka soo jeeda koonfur Somaliya in ay kaga guuraan Somaliland si deg deg ah.  Maamulka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ay ka noqdaan  go’aanka uu qaatey Gudoomiyaha Gobalka Sanaag ,waayo Soomaalida makala laha dhulka, waa dad walaalo oo dhammaan ge’yaga Soomaali kuwada nool meelo kala duwan.

Madaxda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha waxaan u sheegaynaa inay is daba qabtaan oo aysan sameysanin  ama abuurin cadaawad ku lid ah dadka Somalida dhexdeeda . Arintani waa markii labaad oo ay ku dhawaaqaan  maamulka Somaliland taas oo keeni karto dhibaatoyin  ka dhex dhaca dadka walaalah ah ee sida nabadda ah ku wada nool labada dhinacba.

Tan kale muddada ay qabteen waa muddo gaaban oo 7 cisho ah waa mid aan suurtagal  aheen, waayo  dadka ka soo jeeda KGS waxay ay ku leeyihiin Somali land ganacsi waaweyn, qaar ka mid ah waxayna degan yihiin 30 sano in kabada  badan!!!  Mudada ay qabteen maamulka Somaliland waa muddo  aad u yar oo aan suurtagal ahayn in lacagaha kamaqan  ama  hantidooda ay ku soo aruursadaan ama ay ku safraan dadkaas dhibaateysan.


Waxaan mar labaad ugu baaqeynaa in  madaxda Soomaliland inay si beniaadinimo ah ula dhaqmaan dadka shacab ah ee ka soo jeeda KGS oo  kunool deeganada Soomaliland , ha ahaadaan daka Ganacsatada ah iyo dadka barakcyaasha ku nool deegaanada Gobalada Waqooyi

Mahadsanidiin

Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaada koonfur Galbeed

Idriss Cabdi Dhaqtar

email:  southwestsalvation@gmail.com