Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway Børge Brende.
Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal, iyo kaalinta Norway ay ka qaadaneyso taageerada hawlaha dib u dhiska iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, dhinacyada amniga ,siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Mr Brende, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada kaalinta hore kaga jira inay ka faa’ideystaan kaalmada dibedda ee Norway, tallaabadaasina ay tahay mid baarlamanka dalka Norway uu ansixiyey.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibbedda, Cabdisalaan Hadliye Cumar, Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socdey.
Ascw Madaxweynaha maxu ka hadli waayey arrinta BADDA Keenya & NORWEY bobka Ku haayaan taasi waxa u aheed FURSAD wanaagsan wax kamasoo qaadin waxa la yiri NIMAN TAQAAN yAATAHAY LAMA YIRAHDO AW XASANOOW waan naqaana cayaarta waddo / nabadiino
Comments are closed.