Alshabab oo Xaley Saacdo La Wareegtey Gacan Ku Heynta Degmada Afgooye

0
23

alshabaCiidamado ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Saqdii Dhexe ee Xalay Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.

Wararka laga helayo Afgooye ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerareen Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada moriyaanta ee ku labisan tuutaha dowladda, waxaana ay muddo kooban Qabsadeen saldhiga Booliska Afgooye.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay muddo ku sugnaayeen gudaha degmada, waxaana la sheegayaa inay horay u kexeysteen dhowr gaari oo yaallay saldhigga booliiska degmadaas oo ay isaga baxeen xilli dambe.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkii xalay ay Al-shabaab ku qaaday degmadaas , iyadoo xaaladdu ay saaka tahay mid deggen.