MOOSHINKII JUBBALAND EE SHARIIF SAKIIN WAA MASTER GAME-KII JAWAARI!

0
54

jawariAllaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow aan ku hormaree; Sir fadeexad siyaasadeed ah ee uu faafiyey website-ka caanka ah ee Wikileaks.org, ee ku caanbaxay faafinta sirarka ugu culculus ee arimaha siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ee aduunka, gaar ahaan kuwa quwadaha aduunka ugu waaweyn, ayaa xiligii Kenya eey wadatay qorshaha sameynta xeeyndaabka eey ubixisay “Jubbaland”, ayey dhowr jeer Mareeykanka ula tagtay qorshahaa, iyadoo loobixiyey “Qorshihii Kenya” ama “The Kenyan Plan”, ayaa Mareeykanka ka gows-adeeygey, iyagoo Kenya usheegay in maamulkaa “eey dhisaneeyso” noqondoono mid la tartama Dowlada Dhexee loodhanyahay, sidii in uu yahay dowlad kamadax bannaan, dagaallo qabiileed abuuridoono, taageerana eey kuhelidoonaan Al-Shabaab. Fadlan wada aqri fadeexadaa siyaasadeed, si aad xaqiiqda jirta ee dhabta ah ee Jubbaland cida sameeysatey iyo sida eey usameeysateyba aad uwada ogaato.

Nidaamka “Federaalka/Fadaro-Aalka” loo hirgalinayo waxeey ku cadahay qodobka 49-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka dalka uyaalla, kaasoo dhigaya: “Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa gooynaya tirada iyo xuduudaha [dowladaha] Federaalka kamidnoqonaya”. Isla Qodobka 49-aad, farqadiisa 2-aad wuxuu dhigayaa, “Inta aaneey gooynin waxaa lamagacaabayaa guddiga xuduudaha iyo Federaaalka, iyagoo warbixin iyo talooyin usoo gudbinaya Baarlamaanka Soomaaliyeed, go’aan qaadashada ugu dambeeysana waxaa iskaleh Baarlamaanka Soomaaliyeed”. Sidaa daraadeed Xildhibaannada Baarlamaanka loodhanyahay ee dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa maalintii Sabtida taariikhduna kubeegneyd 6-dii bishii Juunyo/June ee 2015-ka cod aq-labiyad ah ku ansixiyeen mooshinii laga keenay golaha wakiilada maamul-beeleedka Jubbaland, sidaana ku kala direen. Waxaa ogolaaday mooshinkaa 132-Xildhibaan oo ka mid ah 142-Xildhibaan oo codkooda dhiibtay.

Qodobka 50-aad xarafkiisa (A) ee Dastuurka dalka uyaalla wuxuu dhigayaa “Maamulkastoo lasameeynayo waa in uu heeystaa kalsoonida shacabka”. Nasiibdarro! Kismaayo maanta waa meel maleeshiyo-beeleed xoog ay ku qabsadeen kuna heeystaan, iyagoo kaashanaya huwanta Kenya oo maleeshiyadaa sootababaratey, kuna qabsatey gobolladaa eey ugu talagashay in eey xeyndaab ama “Buffer zone” kaga dhigato gudaha dalkeena hooyo. Waxeey shirko iyo heshiisba kuwada yihiin Kenya iyo maleeshiyo-beeleedka Raaskambooni, in eey meeshii eey awooda ciidan kuwada qabsadeen, eey xoog kuwada heeystaan, inta kasoo hartana xoogaa kuwada maquuniyaan. Marka kalsooni shacab markii horana kuma iman, hadana cidiba ugama baahna.

Qodobka 61-aad, farqadiisa 2-aad, Paragraph-ka 2-aad ee Dastuurka dalka uyaalla wuxuu isna dhigayaa: “Xildhibaanada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxeey si gaar ah wakiil ugu yihiin deegaanada eey cod-bixiyeyaashooda eey joogaan”. Waxaa intaa kuusii dheer sharciga loosameeyey gobollada Dalka Article 116, Baarlamaanka Federaalkana eey ansixiyeen, qodobkiisa 6-aad wuxuu dhigayaa: “Maamul usameynta gobollada dalka waxaa iskaleh odayaasha dhaqanka, oo kaashanaya xildhibaanada kasoojeeda deeganka”, nasiibdarro! Waxaa oo dhan oo qodobo iyo sharci ahba adigaa sheegaya, xaalku waa “Nin xoog leh, ayey xaajo utoostaa”. Waxaase xaqiiq ah sida Soomaalidaba ay hore utiri, “Hal xaaraan ah, Nirig xalaal ah madhasho!”. Kismaayana kuma cusba maleeshiyo beeleed xoog kuqabsata inteey unoqotaba xoog iyo bililiqo haku heysatee!

Markii xildhibaanada Baarlamaanka eey waajibaadkoodii qaran guteen, ayaa islamaalintaa Sabtida aheyd, taariikhduna ku beegneyd Juunyo 06, 2015-ka waxaa shir jaraa’id oo deg deg ah qabtey “Madaxweyne” kuxigeenka maamul-beeleedka Jubbaland: C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo sheegay in Baarlamaankaba aaneey ictiraafsaneyn, laga bilaabo maalintaana ay jareen wax walba oo wadashaqeyn ah, oo kadhexeeysay iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waliba wuxuu kudaray in maamul-beeleedyaduna dhisandoonaan “Baarlamaan xalaal ah!”.

Waxaa intaa xigay in “Wasiirada” haweenka maamul-beeleedka Jubbaland ee maleeshiyada Raaskambooni: Qamar khaliif Xaaji Deeg iyadoo meel fagaaro ah ka khudbeeyneeysa ayey Baarlamaanka ummada Soomaaliyeed uwada dhantahay ku sheegtay “Saqajaamiin!”, dowlada ummada Soomaaliyeed oo dhanna kutiri, waxaad wadatihiin “Bullshit!”, waliba waxeey kusiidartey in Somaliland eey aqoonsadeen, iyagana sida Somaliland Ictiraaf/Aqoonsi caalami ah raadinayaan, oo Soomaaliya inteeda kale kaba go’ayaan. Waxeeyse ugu sii darneyd markii calankii Ummada Soomaaliyeed kawada dhaxeeyey, ee cid gaarka ah oo iska leh, ama lagu xumeynkaro aneey jirin, meel fagaaro ah oo waliba caasimadii 3-aad ee qaranka ummada Soomaaliyeed ee Kismaayo gudaheeda ah lagu gubay, iyadoo dad Soomaali sheeganayana arintaa sameynayaan.Xaalku waa: “Ilmo hadeey edeb laheyn, Abootadeey u iljabshaan!”

Bal aan hoos udago’e meesha sartu ka qurunsantahay, oo xirko farabadanoo siyaasadeedna isaga wada milqeen, waa in mooshinkii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ee loowada dhanyahay uu ku kala diray golaha wakiilada maamul-beeleedka Jubbaland, ee Kenya eey “Buffer Zone” ahaanta dalkeena gudihiisa uga dhexdhisatay, ee ay xoogana ku heeystaan maleeshiyo-beeleedka Raaskambooni, ee Kenya eey soo kireeysatey, hoostana kuwadato, ayaa mooshinkaa waxaa xaqiiqdii abaabulay, oo dabada kariixayay Shariif Xasan Sh. Aadan (Shariif Sakiin), oo ah Master-ka mooshinnada Golaha Baarlamaanka, ee uu mudo madax usoo ahaa.

Shariif Sakiin wuxuu ka duulayey, sida beeshiisa loogu bahdilay, looguna xaqiray sooxulis-kusheegii golaha wakiilada Jubbaland. Wuxuuse lakaashaday beelo farabadan, oo sidaa si la mid ah sad-bursi xoogan loogu sameeyey, oo iyana aad uga careeysnaa arintaa, iyadoo nasiibdarro! Waxkastoo nuxur lehba, tiro ahaan iyo tayo ahaanba “Labada beel” ee gaashaan-buurta ku ah maamulkaa isku wadakoobeen, kuwaasoo ku heshiiyey in “Magaca beesha guud ahaan” ay isugu hiilliyaan siyaasada dalka guud ahaanteed, gaar ahaanna labada maamul wixii lasoo gudboonaada, mucaarida dowlada dhexee Xamar fadhigeedu yahay, iyo in eey isla difaacdaan dakaddaa iyo garoonkaa waaweyn ee caasimadii 3-aad ee dalka eey leedahay-Waa Kismaayo’e, islana cunaan dhaqaalaha xoogan ee kasoo baxa meeshaa, iyadoo beelaha kaloo dhanna awood ciidan, handadaad iyo cagajugleyn, khaarijin iyo dilal qorsheeysan, iyo ugu dambeyn waxkastoo xaqooda lagu duudsiinkaro lagu maquuninayo, farteey doonaanba ha aqriyeene.

Mooshinkii Shariif Sakiin dabada kariixayey, waxaa ku garab istaagay, oo aad ufududeeyey, suurtagaliyeyna in la ansixiyo, cadowgii 1-aad ee Sh.Sakiin ee dhanka siyaasada waa: Prof. Jawaari’e. Bal isweydii sababtu waxa eey tahay ee kukalifay arintaa?

Sida dadka qaar lasocdaan; xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ex RW Cabdiweli Sheekh “Yuulka” dagaalka siyaasaadeed kadhexeeyey ayaa Prof. Jawaari wuxuu la saftey “Yuulka”. Waakii ogolaadey in sadex jeer Kalfadhiga Baalamaanka la arbusho. Hadafka wuxuu ahaa in aan codka kalsoonidaba looqaadin “Yuulka”. Sidaa ayeyna ku kala dhinteen Jawaari iyo Xasan Sheekh. Si arintaa eey uga falceliyaan ayaa Xasan Sheekh iyo team-kiisa iyana waxeey la xirteen cadowgii Prof.Jawaari waa: Shariif Sakiin’e, waliba isagoo Prof. Jawaari qeeylo dhaan iyo qoraallo kasoo saaray in la hakiyo shirkii maamulka loogu sameeynayey Koonfur Galbeed, ayaa Xassan Sheekh taageerey “Boqridii” Shariif Sakiin, kadib markii Beelweynta Digil iyo Mirifle laga burburiyey maamulkii eey sida xalaasha ah uwada dhisteen ee 6-da gobol ka koobnaa, iyo madaxweynahoodii mudane Madoobe Nuunoow Maxamed, walibana caleemo-saarkiisii ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka qeybgalay, oo fadhigiisa ugu tagay, dabcan amarrada Ethiopia-na weey shaqeeynayeen.

Prof. Jawaari arintaa aad ayuu uga xumaaday. Waxaa intaa kasii darneyd markii kuxumeynta intaa eey dhaaftey, oo waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo team-kiisa go’aansadeen in eey gabi’ahaanba shiiqiyaan Prof. Jawaari. Waxaa la isku dubaridey wax loogu yeeray “Madasha Wadatashiga”, oo ka kooban Madaxweynaha dalka iyo gudoomiyeyaasha maamul-beeleedyada. Jawaari meeshaa geeskaa lagu riixay. Waxeey arintu xirkaha goosatey safarkii iyo kulankii wasiirka arimaha dibada Mareykanka: John Kerry uu wadanka kuyimid, ee madaxdu ukala baxsaneeysey, Prof.Jawaari lagama qeybgalin, garabkaa lagu riixay, inkastoo uu kamid yahay sadexda mas’uul ee qaranka ugu sareysa maanta, waliba labada mas’uul ee lasoo doortey, halka kan 3-aad-waa Ra’isulwasaaraha’e-aan lasoo doorane (Not elected), balse lasoo xulay (Selected), uu Madaxweynaha kala qeybgalay, iyadoo safka horena lagu tixay, sadex gudoomiye heer gobol ah, oo Shariif Sakiina uu kujiro. Waloow wasiirkeenii arimaha dibada ee John Kerry dhigiisa ahaa, oo ay aheyd in uu isaga soodhaweytiisa lahaado, iyo wasiiro kaloo heer qaran ahba, meeshaa lagu wada bahdilay, oo gudoomiye goboleedyo laga wada hormariyey.

JawaariAqristoow Prof. Jawaari ma’aha nin siyaasada dalka ku cusub, oo xaqiiqdii waa nin Madaxweynihii horee dalka: Jaalle Maxamed Siyaad Barre lasoo shaqeeynayay in mudo ah, waliba isagoo heer wasiir ah, sidaa daraadeed Prof. Jawaari dagaalka siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay kuqaadeen maalinteeduu lasugtay. Aduunkan waa wareegtee, fursad dahabi ah (Golden opportunity) buu mooshinkii Jubbalad u ahaa Prof. Jawaari, sideeda ayuuna ugu laaday Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Mooshinkaa Jubbaland laga keenay sababtuu utaageeray waxaa ka mid aheyd in Xassan Sheekh uu horta sifiican uga aargudanayey.Waa marka 1-aade Xasan Sheekh ayey bahdil weyn kutahay, in mooshin lagu kala diro golaha wakiilada Jubbaland, illeyn isagaa Kismaayo tagay, soobarakeeyey furitaankii Golahaa, marka wixii uu usaftey, ee uu soobarakeeyey, ee uu soo ogolaadey isagoo Madaxweynihii dalka ah, baa waxaa layiri waxaas waxba kama jiraan, waxoo dhanna waa sharci darro, xaaraan iyo baadil ah ee halagu kalatago.

Waa marka 2-aade ileyn madaxweyne Xasan Sheekh ma rabin in sidaa wax layeelo’e, waxeey arintan istuseeysaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibkii Shariif Sakiin oo isbaheeysi cusuboo dhanka siyaasada ah ay wada sameeysteen. Sida Xasan arinta udhibsadey waxeey gaarsiisay in ciidama Nabad-Sugidda uu galiyo Baarlamaanka, si arintan uu uhor istaago, halka ninka arintaba wataahi yahay, ninkii isbaheeysiga uu lasameeysanayey ee ahaa Shariif Sakiin. Horaase looyiri,”Siyaasadu malaha saaxiib joogta ah, waxeeyse leedahay dano joogta ah!”

Madoobe-620x330Waa marka 3-aade waxeey arintan keeneeysaa in Jubbaland iyo Xasan Sheekh isku dhacaan, iyadoo kooxda Jubbaland aaneey qiimeeyneyn in isagaba arinta lagu xumeeynayo, iyo waliba dhibka uu kamarayo intaba. Nasiibdarro! Axmed Madoobe wuxuu siyaasad ahaan kuguuldareeystey kalagarashada ninka wax lawada isaga, balse larabo in la iskudiree lakala dilo oo dhinac ah, iyo kan dagaalka dhabta ah ku qaaday, iyo midka kukaalmeeyey toona, ileyn waa kan Shirkiisii Jaraa’id inkastuu Jawaari iyo Shariif Sakiin ugartey in eey mushkilada wadaan, hadana ma aanu kareeban madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo udhibban dartii, iyadoo taasi eey kuusii dheertahay in maamul-beeleedka Puntland ee uu Xasan Sheekh ayaantan unacamleeynayey, ee uu waliba dartood Mudug qabyaalada ugu kala gooynayo, eey iyana xasaasiyad qabyaaladeed abuuris darted, iyo heshiiskii aan kor kusoo sheegnayba ula safanayaan Jubbaland, iyadoo Kenyana eey Xasan Sheekh buuq iyo dagaal kufuridoonto, ileyn waxa careeysan waa maamulkii eey sameeysataye, sidaana Xasan Sheekh uu meel bannaan ah ugu soo dhoco, oo loogu kala daadiyo wixii lagu sheegayey Matasha Wadatashiga.

shariif-Xasan-11Waa marka 4-aade, waxeey ugu danbeeyn Prof. Jawaari ka dhigeeysaa nin taageerey udagaallanka xuquuqda tolkii, ee Shariif Sakiin kaligii sheegan lahaa, halka hadii aanu taageereenna cadowgiisii 1-aad ee Shariif Sakiin uga faa’ideeysan lahaa kudiridda beesha, malaha taageeridan waxeeyba keeni kartaa isu soodhawaasho ina adeernimo oo labadooda ah. Ugu dambeyn miyaanu mooshinkii Jubbaland ee Sh.Sakiin noqon Master Game-kii jawaari?

Xasan-Sh.-AdenQoraa: C/qaadir Maxamed Cismaan”Cabdiboqor ”
Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa. Al-Madinah International University
Abdulkadirphd@hotmail.com
Minnesota, USA