Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Beeniyey In Xukuumada Isku Shaandheyn Lagu Sameyn Doono

0
23

xasanMadaxweynaha Dowladda federalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u beeniyay in isku shaandhayn lagu samaynaayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Madaxweynaha, ayaa ku baaqay in la joojiyo wararka xaqiiqda ka baxsan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay shaqayso, ayna sii shaqayn doono, laakiin ay suurta gal tahay xil ka qaadis lagu sameeyo, Wasiirkii xilkiisa gudan waayo, laguna soo bedelo mid kale oo shaqadaasi qaban kara.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay arinta ku aadan Maamulada dhismaya oo uu sheegay inay yihiin kuwa soo kobcaya.

Madaxweynaha wuxuu soo hadalqaaday qorshe ay wado Dowladdiisa oo sida uu sheegay lagu xoojinaayo qiimaha shilin Soomaaliga, oo sida uu qiray uu qiimihiisu noqday mid sii dhacaaya.