Weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afka hore ee Airporka Adan cade ayaa ilaa iyo haatan inta la ogyahay waxaa ku dhintey 4 Qofood iyo midkii is qarxiyey tiro intaa la egna waa ay ku dhaawaceen.
Falkan ayaa ahaa mid lala beegsanayey gaadiid ay lahayd Qaramada Midoobay oo marayay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Is-miidaamintan oo ahayd mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa xiray waddada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM-4, kuwaasoo mararka qaar ridayay rasaas ay dadka ku kala eryayeen.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sidoo kalena weli kama aysan hadlin weerarkan hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.
Daafeet.Com