Suuqii Degmada Qoryooleey Oo Xaley Dab La Qabadsiiyey

1
61

qoryooleeySuuqii degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa gabi ahaantiis xalay gubtay, iyadoo guddoomiyaha degmadaas oo ka hadlay dabkan inuu yahay mid ay ka dambeyso Xarakada Al-shabaab.

Dabkan ayaa la sheegay inuu billowday xalay 11:30 habeenimo ee xalay uuna socday illaa 3:10 gellinkii dambe ee xalay, markaasoo lagu guuleystay in la damiyo dabka xooggiisa, balse weli waxaa qiiqaya qaybo ka mid ah suuqaas, iyadoo dabkan uu gubay dhammaan qaybihii uu ka koobnaa suuqaas.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dabka uu ka billowday qaybaha lagu iibiyo dharka uuna ku baahay dhammaan qaybaha kale ee suuqaas uu ka kooban yahay, hanti badanna ay halkaas ku gubatay.

Mar la weydiiyay qiyaasta khasaaraha hantiyeed uu dabka geystay ayaa ku jawaabay inaan la sheegi karin maadaama uu dabku gubay suuqa oo dhan, halkaasoo uu sheegay inay taallay hanti fara badan.

Ma jiro illaa hadda wax jawaab ah oo ay Al-shabaab ka bixisy eedeynta ku saabsan inay iyagu ka dambeeyeen gubashada suuqa degmada Qoryooley, kaasoo ay ka dhasheen khasaare hatiyeed oo aad u fara badan.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. WAXA GUBAY MOORYAANTA DHARKA CIIDANKA WATA WAXBA YAAN INDHAHA LAIS TIRIN WAX KASTOO SH/HOOSE KADHACA ANAGA WAXAA KAMASUUL AH MOORYAANTA HAWIYE

Comments are closed.