Howlgalo Maanta laga sameeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0
42

afgoyMaamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay howlgallo ay dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo hoos taga degmada Xudur, kaddib markii ay howlgallo halkaas ka sameeyeen toddobaadkii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo AMISOM, si loo xaqiijiyo ammaanka.

Maxamed Macallin ayaa sidoo kale ka codsaday ciidamada dowladda iyo AMISOM in ay furaan waddooyinka gala degmada Xudur oo uu sheegay in mararka qaar ay xirto Al-Shabaab.

 
Daafeet.Com