Madaxweynaha dalka Burundi oo maanta kasoo degey garoonka adan cade

0
32

burundiMadaxweynaha dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo booqasho ku tegay Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Muqdisho ayaa lagu sheegay inay labada madaxweyne ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo doorka ay ciidamada Burundi ka qaateen howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Pierre Nkurunziza ku soo dhoweeyo Muqdisho, isagoo dowladda iyo shacabka Burundi uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa howlgalka AMISOM ku biiray dabayaaqadii sanadkii 2007.
Daafeet.Com