Dhegayso…Odayaashii loo direy iney Bare Hiiraale lasoo hadlaan oo natiijo la,aan kusoo laabtey magalada kismaanyo

0
31

gudi bareGuddi ka kooban Odayaal iyo waxgarad ku hayb ah Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale oo shalay kulan kula qaatay deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa natiijo la’aan dib ugu soo noqday Magaalada Kismaayo.

Guddigan ayaa wax fiican kala soo kulmin Barre Hiiraale, kadib markii wadahadalka qodobada qaar ay isku mari waayeen.

Barre Hiiraale ayaa Odayaasha u sheegay inuusan aqbali karin inuu hubka dhigo, oo uu Axmed Madoobe isku dhiibo, isaga oo u cadeeyay inuu taasi ka xigo dagaal sida uu ku doodayo Korneel Barre

Wuxuu kaloo Barre Odayaasha u sheegay inuu dagaalamayo inta dadka Jubbooyinka ay ka helayaan ammaan buuxa iyo ku noolaanshaha nabada.

Halkan ka dhegayso warbixintaShirkii ka socday Goobwayn oo natiijo la,aan soo dhammaaday iyo Barre Hiiraale oo shuruud ku xiray
Daafeet.Com