Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya oo sheegey in ciidamada Nabadsugida iyo Booliiska ay hoos tegi doonaan gudoomiyayaasha gobolada ay ku sugan yihiin

0
54

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horreysay sheegay in guddoomiyeyaasha gobollada dalka la hoos-geyn doono ciidammo nabadsugid iyo booliis ah, si ammaanka loo adkeeyo.

Xasan Sheekh oo hadalkan ka sheegay shirka looga hadlayo amniga ee Muqdisho ka socda ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha gobolka Banaadir la hoos-geeyay ciidammo isugu jira nabadsugid iyo booliis, taasoo ay dowladda uga gol lahayd in xal loo helo ammaanka Muqdisho.

Shirka ammaanka dalka ee shalay ka furmay Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mid la doonayo inay kasoo baxaan talooyin ku saabsan sidii amniga dalka loo sugi lahaa, loogana guuleysan lahaa kuwa dhibaatooyinka ammaan-darro wada.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa u diray ciidamada dowladda ee dhigta isbaarooyinka, isagoo sheegay in askarigii la helo isagoo isbaaro u taallo ay u arki doonaan inuu la mid yahay Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu dhammaaday xilligii dadka jeebabkooda la fagan jiray, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay inay ka hor-tago falalka lagu dhibaateynayo shacabka.

 

 

Daafeet.Com