Daawo Sawirada:-Wasiir ku xigeenka Qorsheynta,Iskaashiga caalamiga ah iyo Jaalilyadaha dibada Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya oo kulan la qaatay jaaliyada Holland

1
60

picture3Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo jaalilyadaha dibada dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Axmed Osman Duuble ayaa shaley gelinkii dambe kula kula qaatey dalka holland jaaliyada koonfur galbeed somaliya.

kulankan oo ey kasoo qeyb galeen dhamaan jaaliyada koonfur galbeed ee dalka holand, Kulankan ayaa waxaa kaloo goob joog ahaa isaga oo kasoo kicitamey dalka Jermalka si uu uga qeyb qaato kulanka  Ex Xildhibaan Xasan Maxamed Idiris hada ah gudoomiyaha jaaliyada jaaliyada koonfur galbeed somaliya ee dalka jermany.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka warbixiyey safarkii uu dhawaan kaga soo laabtey gudaha dalka somaliya isagoo in mudo ahba ku sugnaa caasimada koonfur galbeed somaliya ee baydhabao.

Axmed ayaa shacabakii halkaasi isugu yimid u sheegey in loo bahan yahay waqabadkooda iyo sidii la isugu xiri lahaa jaaliyada dibada iyo kuwa gudaha si uma looga samata bixiyo dhibaatooyinka aan dhamaadjka laheyd ee kasoo gaarey 22 sano ee uu dalka dagalka ka jirey.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa kaloo aad ugu nuuxnuuxsadey in waqtiga zxaadirka ah qof walba meesha uu joogo uu ka bilaabiyo olole uu wax ugu qaban lahaa shacabka koorfur galbeed somaliya ama ha noqoto in ey wadamada ku nool yihiin ey wax uga raadiyaan ama ha noqoto mid ey ayagaba isa saarayaan.

Gabagabadii kulanka ayaa wasiir ku xigeenka waxaa uu dardaaran kga tegey shacabka reer koonfur galbeed ee ku dhaqan dalka holand waxaana uu u sheegey in weyga keliya ee looga bixi karo dhibaatada ey tahay iskaashi iyo wax wada qabsi iyo in la iska ilaawo danaha gaarka eh loona soo jeesdo danta guud.
picture

picture1

picture2

picture3

picture5

picture6

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. maasha allaah waa arin farxad badan in umado ey istaageeran. wuuna ku Mahad sanyahay Axmed ku dhiiri gelinta nabada. ‘

Comments are closed.