92 ruux oo lagu soo qabqabtey howlgadii ey ciidamada kenya ka sameeyeen xaafada Islii oo la filayo in maanta la geeyo somaliya

0
31

kenyaMuwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu lagu qabqabtay howgalladii ay ciidamada Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in maanta dib loogu soo celiyo Muqdisho.

Dadkan oo tiradoodu tahay 92-qof ayaa waxay haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta, iyagoo noqonaya qaybtii labaad oo Kenya ay dib ugu soo celiso Soomaaliya tan iyo hoggaantii bishan oo ay howlgalladu billowdeen.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay inay jiraan dad kale oo fara badan oo iyaguna la filayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, isagoo sheegay in dadkii sharciyada haystay iyo kuwii kale ee qoxootiga ahaa loo oglaaday in laga sii daayo xabsiyada.

Maxamed Cali Ameerika oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dalkeeda dib ugu celiso Soomaalida aan sharciga haysan ee ku noolaa Kenya, balse ay mar walba ka digayaan in la dhibaateeyo.
Daafeet.Com