Maamulka Somaliland oo maanta la wareegey gacan ku heynta Degmada Taleex

0
47

somalilandAfhayeenka ciidamada Somaliland, Cismaan Cabdullaahi Siciid ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Taleex.

Maamulka Khaatumo iyo Puntland ayaan weli ka haldin qabsashada degmadaas, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidammo ka socda Somaliland ay gudaha u galaan degmadaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee degmada Taleex ayaa waxaa maalmahan ka taagnaa xiisado dagaal oo ey isku hayeen maamulka khaatumo iyo kuwa somaliland.

Daafeet.Com