Muslilmiinta Kenya oo ka hadley dhibaatooyinka lagu hayo somalida kenya ku nool

0
74

kanya1Hogaamiyaasha Muslimiinta dalka Kenya ayaa cambaareeyay howlgalkii xaafada Islii ee dalka Kenya kaasi oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid lagu waxyeelaynayay ganacsiga Soomaalida ee dalka Kenya, kadib markii shir jaraa’id ay ku qabteen Masaajidka Jameeca ee dalka Kenya.

Muslimiinta dalka Kenya oo uu kamid ahaa Billow Kerrow ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ganacsi xoogan ku heystaan dalka Kenya, laakiin aysan wanaagsaneyn in la bartilmaameysto.

Wuxuu sidoo kale sheegay in booliska iyo saraakiisha sirdoonka ay weydiinayaan sharaxaad inay ka bixiyeen sida ay u dhisayaan dhismaha gancsiga ee xaafada Islii kuwaasi oo ku waxyeeloobay howlgalada.

Sidoo kale Muslimiinta dalka Kenya ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay malaayiinta lacagta Kenya ay ku luntay howlgalada ka soconaya dalkaasi Kenya.

Daafeet.Com