Qormadii Mr Buurfuule:- Cuquubadi Ummadda loo geestay iyo habaarkoda-inkaarti oo soo baxday. Xaqa ama haso daho wa ki soo daahira.

1
49

kanya1Nairobi: Ciidamada amaanka Kenya ayaa weli wada qabqabashada Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

kenya

kanya1

Sawirkaane waxa aad iyo aad oga xumaatay Somaalida xalaasha ah, jecelna dadkooda iyo dalkooda. ILAAHOW CEBTEENA ASTOOR.

Laakin maqaalkan waxaan ku bilaawa tixdaan:

“Nabsigaad gashaa waadanbuu kugu gadootaaye intaa wa ku daba gaanbiyaa gaafna kaayahaye ganbashuu dabadeed kugu dilaa kuguna gaadaaye waxaad geeysatuu uu ka guda soona guraa goor iyo ayaane”.
Waxa la yiraahada RUNTA wa libaax, mana u baahna in al daafaco, wa isku filantahay in eey is daacfado dad badane weey ka nixisa. Xoola badan eey Somaalida ku dhistay Isli Nairobi kuna ganacsato wa hanti xaaran ah lagana soo dhacay Somaaliya. Hantidaas la soo dhacay waxey ka kooban yahiin mid qaranka la ha’ay iyo mid shacabka laga soo dhacay, shacabkaaso ah kuwa qaxootiga runta ah, badigoodane xerooyinka ku jiro. Marka ah ogadeen kuwa xaraanta ku naaxi, isbaaradane ila hadeer wili u taal oo umada dhaca, nabadane u diiiday oo weline damacsan in eey gobolo eesan ka dhalan in eey xog ku maamulaan, dadki ka dhashayne barkiciyaan in eesan meel ku gaareynin. South Sudan, South Africa waxi ka qabsaday wa la wada ogyahay. Arintin hada ka socoto iIski Nairobi waxey darsi labbat u tahay kuwa weli xaraanta fara kula jira. Isla markaas wa xaqiiqa marqaati ma doonta ah in eey jiraan Somaali badan oo xolo iyo hanti xalaal ah oo eey kala carareen tuugada in eey la aaden dalalka diriska ah. Dhibka dadkaan xalaasha ah loo geesto waxa ka masuul ah kuwa magacceeyna wasaqeeyay.

ILAAHEY CAADIL WAAYE. Ha lees weeydiyo: Bal inteey ka keenin malaayinta doolar eey la aadeen Kenya, South Sudan, South Africa iyo melal kale, kuna dhisteen daaraha ku yal sida Isli Nairobi. Wa wada na qaan jawaabta suaashaan. Waxaa lacaktaan inteeda badan laga dhacay oo laga bilalaqeestay dalka iyo dadka Somaalia. Waxaan maqli jiri: “ HAL BOOLI AH OO BILILIIQO AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”. Burcad, tuugo, ciyaal bililiqo, siyaasiyiin ku sheeg eey u badnaayen Somaalida malaayinta doolar soo dhacay lana aaday DIBIDA ee maxa loogu naxariisana. Tan aan koor ku soo sheegay wa cabirka kuwi la dhacay, la boobay, la dilay, la kufsaday aanan manta sheegan karin.

Waxan kula talaneeyna kuwa iimaanka ka tagay in eey dib iskugu noqdaan. Somaaliyo oo dhan wa taqaan waana u jeedaan kuwa XARAANTA cadeestay. Waxaay boob, dhac ..bililiiqo u geeysateen umado maxaay ka heestaan. Ti AAKHIRINA wa sugeeysa. Maalin waliba, mar kasta qaar aya weli waxa la cel/celiya wax eesen la heen, xoolo essen la heen, guri essen la heen, maqaalo eseen la heen, xata gobal eseen la heen,.

Waxa hubaal ah in eey Somaaliya uso noqaneesa nabadi iyo cadaaladi inteena jecelne Somaalinimada, Islaanimada, nabada, cadalada eey gulesandoonan.
Burfuule: Mr.Burfuule@yahoo.co.uk

1 COMMENT

  1. Dad badanoo aan wax soo dhicin baa ku jira meesha ee meel ha aga dhicin soomaalidoo dhan, ganacsiga Nebigeynaa barakeeyey scw.
    Waxaadna ila muuqataa qof aan naxariis lahay oon dadkiisa u nexeynin. Qokii muslin ah oo arka dhibaatada iyo dilka lagu hayo ummada soomaaliyeed aad buu aga xumaadaa. Illahay umadiisa asagaa u gargaaraya Insha Allah.

Comments are closed.