Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Madobe Nunow oo ku dhawaaqey 13 wasiir

3
64

nuunoowiMadaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed ayaa goordhow magacaabay wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaana Warbaahinta u akhriyay Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Galbeed Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in magacaabistan Gollaha Wasiirada ay ka dambeyso wadatashi ballaaran.

Wasiirada cusub waxaa ka mid ah:-
1. Liibaan Ibraahim Amiin Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
2. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
3. Aadan Cusmaan Xaashi Sujuu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
4. Xaaji Cali Aadan Fartaag Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada Isboortiga iyo Garoomada Cayaaraha
5. Cabdullaahi Aadan Cali Shaletey Wasiirka Wasaaradda Waxbashada iyo Barbaarinta (DM)
6. Dr. Axmed Maxamed Abuukar Wasiirka Wasaaradda Lacagta iyo Hantida
7. Dr. Maxamuud Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska
8. Dr. Cali Isaaq Cabdullahi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dalxiiska iyo Dhaqanka
9. Dr. Cabdirashiid Maxamed Ducaale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha Dowladda iyo Kuwa Gaarka ah.
10. Xasan Makooma Mahiina Wasiirka Wasaaradda Iskuduwidda Gargaarka Bani’aadannimada, Xuquuqul Insaanka iyo Daryeelka Naafada.
11. Xaaji Maxamed Caddow Wasiirka Wasaaradda Hub kadhigista, Dhaqancelinta iyo Dib u dejinta Barakacayaasha iyo qaxootiga.
12. Saalax Sheekh Cismaan Cabdalla Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (DIR)
13. Faadumo Maxamed Xuseen Abuukar (Faayow) Wasiirka Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Qoyska (DM)

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. No a single Garre in the previous group and even in this group. It simply made of Marixaan and Rewing

  2. Loomadhama , there is no equal shering so we will not allaw to work co-autonomy k/g somalia in our region.

Comments are closed.