Dhegayso..Luul Maxamed Aden oo ka warbixisey halka uu marayo howlaha balaarinta iyo dayactirka Isbitaalka 2aad ee Garbahaarey

1
31
wwww
Luul Maxamed Aadan oo ka mid ah Haweenka Qurbajoogta ah ee ka soo jeeda KoonfurGalbeed gaar ahaan Gobolka Gedo kuna sugan magaalada Garbahaarey ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey dgmadaasi waxay ka wadey Gudi ay madax u tahay oo isugu jira Rag iyo Dumar , howlo isugu jira dayactir iyo balaarin lagu sameynayo Isbitaalkii 2aad ee Garbahaarey oo mudo ka badan ilaa 24 sano dayacnaa.
wwwwwww
Dhismaha Isbitaalkani oo ka kooban hal dabaq ahna midka ugu weyn ee Gobolka Gedo ayey sheegtay in ay ku bixi doonto howshiisa lacag dhan $380,000 oo Dolar lacagtaasi ayey sheegtay ,qaar ka mid ah in ay ka aruuriyeen haweenka Qurba joogta ah ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo wax garad kale ,halka inta dhimana ay ka sugayaan dadka kale ee soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka iyo dalka dibadiisa.
Luul ayaa dhinaca kale waxay ugu baaqdey ganacsatada iyo waxgaradka ku dhaqan Gobolka in ay gacan ka geystaan dib u howl gelinta Isbitaalkani oo ahmiyad gaar ah u leh Bulshada ku dhaqan Gobolkan.
Hadaba su,aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey Luul ayaa waxay ahayd waxaad ka warantaa waxa xilligani idinku dhaliyey dayactirka iyo balaarinta Isbitaalkan?Luul Maxamed Aden oo ka mid ah Haweenka Qurba joogta ee u istaagay Dhismaha

1 COMMENT

Comments are closed.